Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab Iyo Shacab Ku Dagaallamay Hiiraan


Al-Shabab oo Weerar ugu Hanjabtay Kenya
Al-Shabab oo Weerar ugu Hanjabtay Kenya

Dagaalka ayaa ka dhashay markii shacabka ay diideen Zako ay Al-Shabaab kusoo rogeen oo ah mid bil kasta laga bixinayey xoolaha ay dhaqadaan.

Wararka ka imanaya deegaanka Afcad oo dhowr iyo soddoon KM u jira degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal uu dhex maray ururka Al-Shabab iyo dadka deegaanka.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay markii dadka deegaanku ay diideen inay bixiyaan zako la sheegay in ururka uu ka qaadi jiray.

Zakada Al-Shabaab ay dadka kusoo rogeen ayaa la sheegayaa inay tahay mid bil kasta ah, ayada oo qofkii leh 10 neef oo xoolo ah ay ka qaadi jireen hal neef, kii leh 20-na ay ka qaadi jiraan 3 neef.

Maxamed Cabdulle Fiidow oo ah guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi, ayaa VOA u sheegay in afar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab lagu dilay dagaalka, tiro kalena looga dhaawacay.

Maxamed Cabdi Sandhere ayaa arrintan ka warreystay Maxamed Cabdulle Fiidow oo ah guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi.

Dhageyso shacab iyo Shabaab dagaallamay
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:47 0:00

XS
SM
MD
LG