Isku xirrada

War Deg-Deg ah

R/W Farmaajo: Waan Haynayaa Xilka


Somalia Prime Minister.
Somalia Prime Minister.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay inuusan is casili doonin ilaa baarlamaanka uu kalsoonida kala laabto.

Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaasheegay inuu hayn doono ilaa inta uu haysto kalsoonida baarlamanka, isagoo sheegay in heshiiska Kampala loo baahan yahay marka hore in la horgeeyo baarlamaanka.

Shir jaraa'id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu Mr. Farjaamo sheegay inuu soo dhoweynayo mudaaharaadyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ee isaga lagu taageerayay.

Heshiiskii dhowaan ay magaalada Kampala ku kala saxiixdeen madaxweynaha dowladda KMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyaaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa qorayay in doorashada dib loo dhigo, bil gudeheedna uu isku casilo ra'iisal wasaaraha.

XS
SM
MD
LG