Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Russia: Qaraarka Suuriya ka Dhanka ah lama Aqbali karo


Russia: Qaraarka Suuriya ka Dhanka ah lama Aqbali karo
Russia: Qaraarka Suuriya ka Dhanka ah lama Aqbali karo

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay, in qeybo ka mid ah qaraar qabya ah oo ay soo saareen Dalalka carabta iyo Yurub ee ku saabsan Suuriya, oo nuqulo ka mid ahna loo qeybiyay jimcihii shalay xubnaha golaha amaanka ee qaramada Midooba, uu yahay mid aan la qabali Karin, hase yeeshee xukumadda Moscow ay diyaar u tahay inay wada xaajood ka gasho

Safiirka dowladda Ruushka ee Qaramada Midoobay , Vitaly Churkin, ayaa sheegay in qoraalka ku qoran qaraarka uu iska indha tirayo – meelaha dowladda Ruushka aaney qaadan Karin, oo uu ku jiro nooc kasta oo cunaqabateyn ku soo rogid ah.

Qaraarka waxa uu taageerayaa qorshe jaamacadda carabta ay soo jeedisay oo ugu baaqaya madaxweyne Bashaar Al-asad inuu awoodda ku wareejiyo ku xigeenkiisa, isla markaana la dhiso dowlad midnimo qaran, oo dalkaasi u diyaarisa doorashooyin.

Salaasada soo socota, ayuu xoghayaha guud ee jaamacadda Carabta, Nabil ElAraby, iyo Ra’isul wasaaraha Qadar Sheikh Hamad bin Jassim al-Thani,, ay warbixin kooban ka siin doonaan golaha amaanka ee qaramada midoobay, kormeerka uu ururka jaamacadda Carabta ku hayay dalka Suuriya.

XS
SM
MD
LG