Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Romney oo ku Guuleystay Tartankii Iowa


Romney oo ku Guuleystay Tartankii Iowa
Romney oo ku Guuleystay Tartankii Iowa

Gudoomiyihii Hore ee Gobolka Massachusetts ee dalkan Mareykanka Mitt Romney ayaa ku guuleystay doorashadii xisbiga Jamhuriga ee gobolka Iowa, isagoo si dirqi ah uga adkaaday musharaxii siyaasadiisu u janjeertay dhinaca bulshada muxaafadka ah Rick Santorum.

Sarkaal ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa ku dhawaaqay arbacada maanta ah in Musharaxa mudadaba ku horeeyay tartanka, Romney, uu kaga guuleystay sideed cod un , ninka isna dhawaan shacbiyadda helay , Santorum, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah tartamadii sidaa la isugu dhawaa ee soo mara taariiqda kala xulashda ee Iowa.

Romney ayaa urursaday intii uu tartanka socday codad gaaraya 30,015 cod, halka Santorum uu isna helay 30,007 cod.

Kaalinta sadexaad waxaa tartanka ka galay mushraxa isna dagaal diidka ah Ron Paul oo isna urursaday 21 %.

Ka hor inta aysan soo bixin natiijada kama dambeysta ah ayuu arabaca maanta, Romney u hambalyeyay ninka ugu weynaa ee la loolamayay , Santorum, waxuuna uga mahadceliyay codbixiyeyaasha Iowa v, iney isaga siiyeen iyo kuwa ka soo horjeeda fursadii lagu soo celin lahaa sumcadii dalkan Mareykanka.

Qudbad uu ka jeediyay caasimdadda Gobolka Iowa, Des Moines, ayuu Mr. Romney dul mar ku sameeyay qibradiisa shaqo waxuuna ku dhaleeceeyay Madaxweyne Barack Obama dadaalka uu ku jiro inuu shaqooyin ugu abuuro dadka Mareykanka.

XS
SM
MD
LG