Gudoomiyihii hore ee Gobolka Massachusetts ee dalkan Mareykanka Mitt Romney ayaa ku guuleystay doorashada Gobolka Florida ee Musharixiinta xisbiga Jamhuuriga ee u baratamayay tartanka ninka xisbigaasi u matali lahaa doorashada guud ee dalkan Mareykanka sanadkan 2012ka.
Hadal uu jeediyay markii uu guuleystay ayuu Romney u dhaleeceeyay Madaweyne Barack Obama dhibaatoyinka dhibaatooyinka dhaqaale ee dalkan Maraykanka
Waxuuna balanqaada inuu meesha ka saari doono isbedelka daryeelka caafimaad ee Madaxweyne Obama, oo uu dheeli tiri doono dhaqaalaha, Maraykankana uu ku soo celin doono waa cusub oo barwaaqo ah.
Mr. Ramney oo horey u ahaa gudoomiha gobolka Massachusetts ayaa doorashada ku helay 47 boqolkiiba codadkii laga dhiibtay gobolka Florida.