Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real Madrid oo muujisay inay weli tahay boqortooyda Yurub


Real Madrid ayaa muujisay inay wali tahay boqortooyada kubada cagta ee Yurub, kadib markii ay 2-1 uga badisay kooxda ay Yurub ku xafiltamaan ee Bayern Munich luftii labaad ee Champions League ee ka dhacday garoonka Santiago Bernabéu.

Joselu ayaa Real u dhaliyay laba gool uu dhaliyay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta, iyada oo Madrid ay isku dayi doontaa inay ku guulaysato koobkii 15-aad si ay u sii dheeraysato guulaha ugu badan ee koobkan marka ay 1 June ku wajahdo kooxda Borussia Dortmund garoonka Wembley.

Real ayaa ku gacan sareysay qaab ciyaareedka, laakiin waxa ay iska qasaariyeen fursado dhowr ah.

Joselu, oo xirfadiisa ciyaareed kusoo qaatay kusoo qaatay kooxo ay ka mid yihiin, Espanyol, Celta Vigo, Hoffenheim, Eintracht Frankfurt, Hannover 96, Stoke City iyo Newcastle United, ayaa kaliya dhawr jeer kubada taabtay kubadda, laakiin waxay ahayd habeen uu weligiis xasuusan doono.

Tababaraha Real Madrid Carlo Ancelotti ayaa sheegay in guusha Real Madrid ee Champions League ay aheyd mid 'cajiib ah'.

Reuters

Madal

XS
SM
MD
LG