Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ra'iisul Wasaare Cumar Oo Booqday Dhadhaab


Booqashada Dhadhaab
Booqashada Dhadhaab

Dowladda Somalia ayaa hay’adda qaxootiga ee UNHCR iyo dowladda Kenya kala shaqeyneysa sidii si tartiib oo iskood ah dalkooda loogu celin lahaa qaxootiga ku sugan Dhadhaab.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa booqday xerada qaxootiga Dhadhaab oo ah tan adduunka ugu weyn, halkaasi oo uu kula kulmayo qaxootiga Soomaaliyeed.

Waxaa sidoo kale socdaalka ku wehliya wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, sida ay sheegtay safaaradda Soomaaliya ee Nairobi.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay in hay’adda qaxootiga ee UNHCR iyo dowladda Kenya ay kala shaqeyn doonto sidii si tartiib oo iskood ah dalkooda loogu celin lahaa shan boqol oo kun oo qaxooti Soomaaliyeed ah oo ku nool Dhadhaab. Somalia, Kenya iyo UNHCR ayaa isku raacay in qaxootiga ay si mutadawacnimo ah ugu noqdaan dalkooda, intii la qasbi lahaa.

Madaxa UNHCR António Guterres iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa bishii tagtay ku wada-hadlay magaalada Brussels, waxaana ay diidradda saareen in la abuuro xaalado ay dadka ugu laabtaan Somalia, ayada oo la xoojinayo maal-gelinta si loo hormariyo xaaladaha dhaqaalaha bulshada, si taasi ay uga faa’iideystaan qaxootiga, dadka ku barakacay gudaha Somalia iyo bulshooyinka kale.

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa VOA u sheegay in kaliya 45,000 oo qof ay si iskood ah ugu laabteen dalka Somalia.

Ra’iisyl wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay ku laabtaan Nairobi isla maanta si ay wada-hadal ula yeeshaan saraakiisha Kenya iyo UNHCR.

XS
SM
MD
LG