Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa noqday mas'uulkii ugu sarreeyey ee ka tirsna dawladda federaalka ku meelgaadhka ah ee booqda magaalada Beledweyn tan iyo intoo ay dib u qabsadeen ciidamada dawladda Soomaaliya oo ay kaalmaynayana kuwa Itoobiya maalintii Sabtida ee 31-ka Diismabr 2011.
Ra'iisul Wasaaraha waxa booqashadiisa ku weheliyey ilaa afar xubnood oo ka mid ah Golihiisa Wasiirrada oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaarrada gaashaandhiga xukuumadda Soomaaliya Xusseen Carab Ciise, wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/llaahi Goodax Barre, wasiirrka wasaarrada warfaafinta C/qaadir Jaahweyn, wasiirrka Macdanta, Tamarta iyo Shidaalka, Taliyaha ciidamada xoogagga dalka Soomaaliya C/qaadir Shiikh Cali Diini, iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka.
Prof. Cabdiweli iyo wafdigiisa ayaa la sheegay in diyaarad kuwa milatariga ah ay ka qaaday magaalada Muqdishu ayna gaysay magaalada Beledweyn. Ilaa hadda ma cadda diyaaraddan cidda lahayd iyadoo aysna dawladda Soomalaiya lahayn diyaaradaha qummaatiga u kaca.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo VOA uga warramay booqashada Beledweyn ayaa sheegay in ujeeddadoodu tahay sidii ay maamulka magaalada iyo degaannada laga qabsaday ururka Al-Shabab loogu wareejin lahaa maamullada deganaka.
Ra'iisul Wasaare Cabdiweli iyo wafdigiisa ayaa caawa fiidkii dib ugu soo laabtay magaalada Muqdishu.