Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rag Lagu Tuhmayo Weerarkii Gaarisa oo Maxkamad lasoo taagay


Ciidamada Kenya oo taagan albaabka Jaamacadda
Ciidamada Kenya oo taagan albaabka Jaamacadda

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa maanta maxkamad lagu soo taagay 5 qof oo lagu tuhmayo inay xiriir la lahayeen weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa, bishii April ee sanadkan.

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa maanta maxkamad lagu soo taagay 5 qof oo lagu tuhmayo inay xiriir la lahayeen weerarkii lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa, bishii April ee sanadkan.

Qaar ka mid ah shanta qof ee la eedeeyey ayaa ahaa kuwa ka shaqeynayey jaamacadda, halka qaar kalena la sheegay inay iyaga xiriir la lahaayeen.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa sheegay in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen inay shantan qof ay xiriir dhinaca taleefonka ah la sameeyeen xubno sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ee weerarka fulisay.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyey inay qaar ka mid ah maleeshiyadii weerarka fulisay tuseen goobaha ay seexanayeen ardaydii lagu laayey weerarka.

Dhinaca kale, laba qof oo la tuhmayo inay qorsheynayeen weeraro kale oo ay ka geystaan magaalada Gaarisa, ayaa ciidamada booliiska ay gacanta ku dhigeen.

Dadkan ayaa la sheegay in lagu qabto bastoolado iyo bambooyinka gacanta, waxaana iminka su’aalo weydiinaya booliiska Gaarisa.

XS
SM
MD
LG