Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowlada & Shabaab oo ku dagaalay Gedo


Ciidamada dowladda ayaa qaaday dagaalka.
Ciidamada dowladda ayaa qaaday dagaalka.

Dagaalka oo socday saddex saac ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qadaeen fariisimo ay Shabaabka lahaayeen.

Dagaal socday dhowr saacadood oo u dhaxeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay Tuulada Tuulo Barwaaqo oo ka tirsan gobolka Gedo.

Dagaalka oo socday saddex saac ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay weerar ku qadaeen fariisimo ay Shabaabka ku lahaayeen tuuladaas oo u ku taalla inta u dhaxeysa degmooyinka Buulo Xaawo iyo Garbahaareey.

Waxaa dagaalka ku geeriyooday illaa iyo shan qof, oo dhinacyadii dagaalamay ah, waxaana tuulada gacan ku haynteeda la wareegay guutada sagaalaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya, ayaa sheeganeysa in dagaalka ay ku dishay 12 maleeshiyo oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, ayna ku dhaawacday 12 kale, islamarkaana ay ku qabsatay baabuur iyo qalab dagaal.

Korneel Cabdullaahi Cusmaan Isaaq oo ah Taliyaha Ciidamada dawladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo, ayey idaacadda VOA-da ka wareysatay dagaalkii xalay ay ciidamadooda ku qaadeen Al-Shabaab.

Waxaa wareystay Jamaal Axmed Cismaan.

Wareysi: Dagaalka Gedo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:18 0:00

XS
SM
MD
LG