Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Suuqyada Dhaqaalaha Asia oo Hoos u Dhacay


Dad dhinac maraya suuqa saamiyada Hong Kong Aug. 24, 2015.
Dad dhinac maraya suuqa saamiyada Hong Kong Aug. 24, 2015.

Suuqyada dhaqaalaha Asia, ayaa Isniintii hoos u dhac uu ku yimid, iyadoo sidoo kale suuqyada Yurub-na ay dariiqaasi hayaan.

Suuqyada dhaqaalaha Asia, ayaa Isniintii hoos u dhac uu ku yimid, iyadoo sidoo kale suuqyada Yurub-na ay dariiqaasi hayaan, taas oo qeyb ka ah jahwareerka suuqyada adduunka, waxana suuqyada Mareykanka iyaguna ku yimid hoos u dhac boqolkiiba seddex ah.

Suuqyada sarifka lacagaha ee China, ayaa gabalka ugu dhacay iyadoo uu hoos u dhacay 8.5 boqolkiiba, iyadoo maalgashatayaashuna ay eegayaan bal waxay Beijing ka qaaddo arrinkaasi.

Hoos u dhacyada suuqyada ganacsi ee adduunka maalmahan, ayaa waxa uu salka ku hayaa baqdinta la xiriirta dhaqaalaha China, kaas oo hoos usii socdey si aan la fileyn.

Dhanka kale suuqyada London, Paris iyo Frankfurt, ayaa maanta oo Isniin ah ku furey iyagoo hoos u dhacay boqokiiba 2.5.

XS
SM
MD
LG