Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rag ku Eedeysan al-Shabaabnimo oo lagu Xiray Bakool


Rag ku Eedeysan al-Shabaabnimo oo lagu Xiray Bakool
Rag ku Eedeysan al-Shabaabnimo oo lagu Xiray Bakool

Ciidamada Dowladda KMG ah ee ku sugan degmada Yeed ee gobolka Bakool ayaa xiray ilaa 6 ruux oo ay uga shakiyeen inay xiriir la leeyihiin al-Shabaab.

Hawlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee ku sugan degmada Yeed ee gobolka Bakool ayaa xiray ilaa lix ruux oo ka mid ah dadka ku dhaqan degmadaasi.

Dadkaasi la xiray ayaa lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda al-Shabaab ee ka soo horjeedda siyaasadda dowladda.

Qabqabashadan ay sameeyeen ciidamada dowladda ayaa daba socday weeraro xiriir ah oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah loogu geystay fariisimo ay ku leeyihiin duleedka degmada Yeed.

Degmada Yeed ee gobolka Bakool ayaa ah degmada Keliya ee uu ka jiro maamul taabacsan dowladda KMG ah ee gobolka Bakool.

XS
SM
MD
LG