Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rabshado ka Dhacay Balli-dhiig


Rabshado ka Dhacay Balli-dhiig
Rabshado ka Dhacay Balli-dhiig

Rabshaddo ayaa ka dhacay xadka Somaliland iyo Ethiopia kaddib markii ciidamo Itoobiyaan ahi ay damceen inay ka kaxeystaan macalimiin

Wararka ka imanaya degmada Bali-Dhiigle oo ka taalla xadka Somaliland iyo Ethiopia ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu ka dhacay iska horimaad hubeysan kaddib markii ciidamo Ethiopian ah oo xadka ka soo talaabay ay isku dayeen inay degmadaasi ka kaxeystaan dhowr macalin oo wax ka dhiga madarasad iyo machad halkaasi ku yaalla.

Dadka degan degmada Bali-Dhiigle ayaa maanta iska hor-imaad hubeysan kala hortagay ciidamada Ethiopia ee doonayay inay kaxaystaan macalimiinta.

Wararka ayaa sheegaya inay jirto dhaawac rabshaddahan ka dhashay.

Bishii October, ciidamo ka tirsan Ethiopia, gaar ahaa ismaamulka Somaalida ayaa degmadaasi ka kaxeystay ilaa lix wadaada tabliiqa ah.

Dhageyso wareysi VOA la yeelatay guddoomiyaha degmada Bali-Dhiigle.

XS
SM
MD
LG