Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qurbajoogga iyo Ololaha Doorashooyinka Somaliland


Dad badan oo qurbaha ka tagay ayaa aad uga dhex muuqday intii uu socday ololaha Doorashada ee Somaliland.

Qurbajoogga Somaliland ayaa si aad ah uga dhex muuqda dhaq dhaqaa siyaasadda iyada oo qaar badan oo ka mid ah ay gudaha dib u laabteen si ay uga qayb qaataan olalaha doorashada.
Prof Siciid Xaaji Cabdi Caamir oo culuumta Dawladnimada iyo Dastuurka ka dhiga Jaamacadda Hargaysa ayaa VOAda u sheeegay in kaalinta qurba jooggo ay muuqato, haddii ay tahay inta ololhu socdo iyo haddii ay tahay taageerada ay u gaystaan dadka gudaha ku nool.
Prof.Siciid ayaa sheegay in ay qurbajooggu mutaystaan in ay u ordaan mustaqbalka hogaanka dalka , maadaama oo sida uu sheegay ay kaalin wayn kaga jiraan horomarinta Somaliland.
Waraysi uu C/salaam Herei la yeeshay Prof Siciid Xaaji Cabdi ka dhegayso qaybta hoose ee boggan,

Qurbajoogga Somaliland ayaa si aad ah uga dhex muuqda dhaq dhaqaa siyaasadda iyada oo qaar badan oo ka mid ah ay gudaha dib u laabteen si ay uga qayb qaataan olalaha doorashada.

Prof Siciid Xaaji Cabdi Caamir oo culuumta Dawladnimada iyo Dastuurka ka dhiga Jaamacadda Hargaysa ayaa VOAda u sheeegay in kaalinta qurba jooggo ay muuqato, haddii ay tahay inta ololhu socdo iyo haddii ay tahay taageerada ay u gaystaan dadka gudaha ku nool.

Prof.Siciid ayaa sheegay in ay qurbajooggu mutaystaan in ay u ordaan mustaqbalka hogaanka dalka , maadaama oo sida uu sheegay ay kaalin wayn kaga jiraan horomarinta Somaliland.

Waraysi uu C/salaam Herei la yeeshay Prof Siciid Xaaji Cabdi ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG