Shaqaalaha hay’adaha gargaarka iyo kormeeyaal ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dhinacyada ku lugta leh rabshadaha dalkaasi ka socda ay xoog ku askareeyaan caruurta.
Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaalisan Caruurta (Unisef) ayaa sheegtay in kumanaan caruur ah si xoog leh lagu askareeyo, kooxda al-Shabaabna ay tahay tan askareysa caruurta ugu badan oo ay ka soo qafaashaan dugsiyada, tuulooyinka iyo goobaha kale ee bulshada .
Unisef ayaa sheegtay in caruurtaasi xoog lagu keeno furumaha hore ee dagaalka, haddii ay isku dayaan inay baxsadaan la dilayo.