Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: Macluushii way Dhamaatay


QM: Macluushii way Dhamaatay
QM: Macluushii way Dhamaatay

Qaramada Midobay ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqday in macluushii ka dhamaatay dalka Soomaaliya, laakiin QM waxay ka digtay in dad badan oo Soomaali ah ay wali u baahan yihiin cunto gar-gaar oo deg-deg ah.

Hay’adda beeraha iyo cuntada ee QM ayaa sheegtay maanta oo Jimce ah in roobab da’ay, miraha beeraha oo la qeybiyay iyo cuntada gar-gaarka ay gacan ka geysatay in dalka uu ka soo kabsado macluushii iyo xaaladda bini’aadanimo ee deg-deg ahayd, laakii hay’addani waxay ka digtay in kabsashadani ay tahay mid jilicsan oo haddii aanayn taageerradu sii socon ay xaaladdu sidii ku noqon karto.

Macluusha ku dhufatay Soomaaliya ayaa ahayd tii ugu xumayd ee muddo 60 sanno ah dhacday, waxaana ku dhitay tobbannaan kun oo qof. Macluusha ayaa ku qasabtay boqolaal kun oo qof oo Soomaali ah inay u qaxaan xeryaha qaxootiga ee Kenya, Ethiopia iyo magaalada caasimada Muqdisho iyagoo markaasi raadinaya cunto iyo biyo.

Warbixintan QM ayaa sheegtay in dhibaatadu aysan dhamaan, iyadoo sheegtay inay kordhinaysa dadaalkeeda ay ka wado bariga Afrika ee looga hortagayo in abaar danbe oo halkaasi ka dhacdaa ay macluul noqoto.

XS
SM
MD
LG