Magaalada Hargeysa waxaa maanta ka dhacay laba qarax oo nooca bambaanooyinka gacanta laga tuuro ah.
Qaraxa koowaad ayaa lagu tuuray baabuur nooca raaxada ah oo marayay degmada Max'uu Haybe, halka qaraxa labaadna lagu tuuray dad doonayay inay gacanta ku dhigaan ninka geystay qarax koowaad.
Ninka qaraxa tuuray ayaa la sheegayaa in saarnaa isla baabuurka qaraxa lagu tuuray, waxaana jira muran dhexmaray ninkii baabuurka waday iyo ninka qaraxa geystay
Ugu yaraan 10 qof oo rayid ah ayaa la sheegay in dhaawcyo fudud ay ka soo gaadheen qaraxaasi.
Ninkii qaraxyadaasi ka danbeeyey ayaa markii danbe waxaa gacanta ku dhigay ciidanka bileyska ee magaalada Hargeysa.