Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka dhacay Kampala


Taliyaha booliska magaalada Kampala wuxuu sheegay in qaraxyadan ay ka dambeyn karto kooxda al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Qaraxyadan ayaa xilliyo kala duwan ka dhacay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda. Ku dhawaad 64 qof ayaa la soo wariyay inay ku dhinteen.

Boolisku waxay sheegeen in qaraxa koowaad uu ka dhacay baar ay leeyihiin dad Itoobiyaan ah, dad gaaraya 20 ayaana halkaasi ku dhimatay.

Qaraxa labaad wuxuu ka dhacay xarun ay leeyihiin Naadiga ciyaaraha rugby-da ee Uganda, waxaana halkaasi ku dhintay ku dhowaad 20 qof. Dad badan ayaana ku dhaawacmay labada qarax.

Taliyaha Bileyska Uganda, Jeneraal Kale Kayihura ayaa farta ku fiiqay in qaraxyadan ay ka dambeyn karaan kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya.

Taliyuhu wuxuu sheegay in weeraradaasi ay u muuqdaan kuwo loola dan lahaa in lala beegsado isu imaatinka dadka daawanayay ciyaartii Finalka ee Koobka Adduunka.

Si rasmi ah looma garan ilaa iyo hadda cidda ka dameysa weerarkaasi.

Kooxaha ka dagaalama Soomaaliya waxay ku hanjabeen inay weeraro ka geysan doonaan magaalada Kampala, taasoo ay sabab uga dhigeen ciidamo ka soo jeeda Uganda oo qeyb ka ah hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo taageerada ay u fidiyaan dowladda KMG.

Hogaamiye ka tirsan al-Shabaab oo ku sugan magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Sheekh Yuusuf Sheekh Ciisa ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in uu ku faraxsan yahay qaraxyada ka dhacay magaalada Kampala. Wuxuuse ka gaabsaday inuu qiro ammase uu beeniyo in kooxda al-Shabaab ay ka dambeyso qaraxyadaasi.

Saraakiil ka tirsan Aqalka Cad ee magaalada Washington waxay sheegeen in madaxweyne Barack Obama uu ka xun yahay weeraradaasi arxan darrada ah. Waxayna saraakiishu sheegeen in Maraykanka uu diyaar u yahay inuu u fidiyo Uganda taageero kasta oo ay dalbato.

XS
SM
MD
LG