Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyada iyo Amniga Muqdisho


Saraakiisha amniga ee Soomaalida ayaa ka digaya weerarro qorshaysan inay dhacaan

Ugu yaraan 15 qarax ayaa labadii toddobaad ee lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Muqdishu, taasoo ka dhigan in ugu yaraan maalin walba hal qarax uu ka dhacayey magaalada. Qaraxyada ayaa isugu jiray miinooyinka gacanta laga tuuro, kuwa dhulka lagu aaso, kuwo is miidaamin ah iyo kuwa la hago. Waa tiradii ugu badnay ee qaraxyo ah ee muddo sidaas u kooban soo mara Muqdishu. Saraakiisha amniguna waxay ka cabsi qabaan in weerarro aad u qorshaysan ay Al-Shabab qaadaan.

Saraakiisha dhinaca amniga ee dawladda Soomaaliya ayaa ka cabsi qaba in xubno ka tirsan guutada sida weyn u tababaran ee Amniyaadka ee Al-Shabab inay weerarro kedis ah ku qabsadaan xarrumo waaweyn oo dawladda leedahay ama huteellada ay deggan yihiin dadka madaxda ah.

Digniinta kasoo yeedhay hay’adda nabadsugida waxaa idaacadda VOA usoo gudbiyey sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Nabadsugida NSA oo diiday magaciisa in la sheego sababtoo ah looma oggola inuu saxaafadda la hadlo.

Sarkaalkaasi waxa uu sheegay in Amniyaadka Al-Shabab rag hordhac oo ka tirsan ay ku sugan yihiin Muqdishu iyagoo magaalada soo galayey toddobaadyadii lasoo dhaafay.

Lama garanayo haddaba tirada xubnahan Amiyaadka ah ee xilligan ku sugan Muqdishu, inay ku dhiexjiraan ciidanka dawladda iyo inay ku sugan yihiin meelo qarsoodi ah.

XS
SM
MD
LG