Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax xooggan oo Muqdisho ka Dhacay


Qarax xooggan oo Muqdisho ka Dhacay
Qarax xooggan oo Muqdisho ka Dhacay

Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhimatay qarax ismiidaamin ah oo maanta loo geystay xero lagu tababaro booliska dowladda KMG ah ee Muqdisho.

Qarax xooggan oo Muqdisho ka Dhacay

Qarax ismiidaamin ah ayaa ugu yaraan 11 qof ku dilay, inka badan 35 kalena ku dhaawacay, ka dib markii uu weeraray xarun lagu tababaro ciidamada dowladda KMG ah.

Weerarkaasi oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda mucaaradka ah ee al-Shabaab.

Mas’uuliyiin ka tirsan booliska dowladda KMG ah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan 7 boolis ah iyo afar qof oo ismiidaaminta fuliyay.

Wasaaradda warfaafinta ee dowladda KMG ah ayaa sheegtay in labo caruur ah oo da’doodu kala tahay 10 jir iyo 11 jir ay qaraxaasi ku dhinteen.

Booliska ayaa rasaaseeyay gaarigaasi oo xawaare ku socda uu soo abbaaray iridka hore ee xarunta, hase yeeshee gaariga ayaa qarxay inta uusan soo gaarin al-baabka hore.

XS
SM
MD
LG