Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax Miino oo ka Dhacay Magaalada Muqdisho


Qarax
Qarax

Inta la xaqiijiyay afar qof ayaa ku dhawaacantay weerar loo adeegsaday Miinada dhunlka lagu aaso oo lagu qarxiyay bar koontarool oo ay ciidamada nabad-sugiddu ku leeyihiin meel qarka u saaran is-goyska Kaasababalaare ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhaawacmay ayaa 2 ka mid ah waxa ay yihiin Ciidamadii bartaasi joogay halka labada kalena lasheegay in ay yihiin dad rayid ah oo meesha kadhawaa.

Ciidamo dheeri ah ayaa goobta gaaray iyagoo xiray waddada uu qaraxu kadhacay mana jirto cid loo soo qabtay weerarkaasi.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, hase yeeshee maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weeraro ka dhan ah ciidamada dowladda inta badan ka fuliya magaalada Muqidsho.

XS
SM
MD
LG