Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka dhacay gudaha Gaalkacyo


Qarax ka dhacay gudaha Gaalkacyo
Qarax ka dhacay gudaha Gaalkacyo

Qarax ayaa ka dhacay guri ku yaalla waqooyiga Gaalkacyo. 3 qof ayaa ku dhintay qaraxan oo la sheegay inay farsamaynayen waxyaabaha qarxa

Ugu yaraan 3 qof ayaa dhintay kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo. Saddexdaasi qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen guri ay ku farsamaynayeen waxyabaha qarxa.

Qaraxan ayaa gebi ahaan burburiyay gudaha dhismihii uu ka dhacay, sidoo kalana waxaa uu khasare u gaystay gurya ka ag dhawaa meesha uu qaraxu ka dhacay.

Dad goobjogayaal ah ayaa VOA u sheegay in saddexda qof ee geeriyootay ay ku jireen gudaha guriga iyadoo loo malaynayo inay ahayeen kuwi farsamaynayey qaraxaasi, waxay kaloo goobjogayashu sheegeen in raggasi ay gurigaasi soo degeen muddo ka yar todobaad iyagoo ku wargeliyay deriska xaafadda in Madarasad laga furayo goobtasi.

Ciidamada Booliska ayaa goobta qaraxa la wareegay waxana booliska ay sheegen inay wadan baritaano arrintaasi la xiriirta.

Magaalada Gaalkacyo oo ay ahayd meelo ay ka dhici jireen qaraxyada iyo dilalaka dadka deeganka, ayaa xilliyada danbe ahayd mid deganayd xaaladdeeda waxaana dadk ay aad walac uga mujiyeen xaaladdan magalaada dib uga soo cusboonaday.

Dhanka kale qaraxan ayaa ku soo aaday xilli saakay gudaha magaalada Gaalkacyo lagu qisaasay 2 nin oo habeen hore gudaha Gaalkacyo ku dilay askari ka tirsana dowladda hoose ee Gaalkacyo kuwaaso qirtay markii ay booliska soo qabteen falkaasi iyo falal kale oo gudaha magaalada ka dhici jiray iyagoo adeegsan jirey toorreeyo.

XS
SM
MD
LG