Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax ka Dhacay Degmada Wajeer


Qarax ka Dhacay Degmada Wajeer
Qarax ka Dhacay Degmada Wajeer

Qarax xooggan ayaa ka dhacay maanta degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxana lala beegsaday ciidamada Kenya.

Wararka ka imanaya Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegaya in qarax labaad maanta lala beegsaday ciidamnada Kneya.

Qaraxan ayaa ka dhacay bar kontorool oo u dhow degmada Mandheera. Guddoomiyaha Gobolka Waqooyi Bari Kanya ayaa warbaahinta u sheegay in hal askari uu ku dhintay qaraxan sagaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Goor hore oo maanta ahna qarax miino ayaa lala beegsaday kolonyo baabuurta milatariga Kenya ay leeyihiin meel u dhow degmada Wajeer, askari ayaa qaraxaasna la sheegay inuu ku dhaacmay.

Qarxayda ayaa kusoo badanayey Waqooyi Brai Kneya tan iyo intii ciidamada Kenya ay farageliyeen Soomaaliya bishii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay.

Toddobaadkii horena baarlamaanka Kenya ayaa ansixiyey in ciidamada Kenya ay qayb ka noqdaan halwgalka milatari ee Midowga Afrika ee Soomaaliya. Ururka Al-Shaba ayaa sheegay inay ladagaalami doonaan ciidamada Kenya.

Qaraxyada ayaa kusoo badanayey gobolka Waqooyi Brai Kenya tan iyo bihsii Oktoobar ee aynu soo dhaafnay kadib markii ciidamada Kenya ay faragelinta ku sameeyeen Soomaaliya.

Toddobaadkii horena baarlamaanka Kenya ayaa u codeeyey in ciidamada Kenya ay hoostagaan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya "Amisom".

XS
SM
MD
LG