Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Weerarro ka Dhacay Dalka Norway (Video)


Weerarro ka Dhacay Dalka Norway (Video)
Weerarro ka Dhacay Dalka Norway (Video)

Qarax ayaa luxay xafiisyada dowladda Norway ee magaalada Oslo. Sidoo kale weerar toogasho ah ayaa dhacay. 17 ayaa dhintay (Daawo Video)

Qarax xooggan ayaa luxay xafiiska raisal-wasaaraha iyo xafiisyada dowladda Norway ee magaalada Caasimada ah ee Oslo. Raisal-wasaaruhu inkasta oo uu ka bad-baaday qaraxaasi, laakiin 7 qof ayaa ku dhintay qaraxaasi.

Saacaddo kaddib weerarkaasi, nin hubeysan oo sidii booliska u labisan ayaa rasaas ku furay dhalinyaro ku sugnaa jaziirada lagu magacaabo Utoya oo magaalada Oslo dhinaca waqooyiga kaga beegan. 10 qof oo caruur u badan ayaa la sheegayaa inay weerarkaasina ku dhinteen.

Wasiirka Cadaaladda Norway ayaa weriyayaasha u sheegay in weerarka jaziiradda uu geystay nin Norwagian ah oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada booliska.

Raisal-wasaaraha Norway oo warbaahinta la hadlay ayaa weerarradan ku tilmaamay kuwo fuleynimo ah, isagoo sheegay inaysan bur-burin karin dimoqraadiyada Norway.

Halkan ka daawo Qaxaxa.

XS
SM
MD
LG