Ugu yaraan 28 qof ayaa dhintay kaddib markii qarax baabuur uu ka dhacay xaafadda ay Shiicadu ku badan tahay ee magaalada Baghdad.
Saraakiisha Cisbtaalka ayaa sheegay in ugu yaraan 60 qof ay ku dhaawacmeen qaraxan oo saaka aroortii ka dhacay xaafadda Zafaraniyah ee bariga magaalada Baghdad.
Saraakiil bileyska ka tirsan ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay meel u dhow goob ay dad ugu baroor-diiqayeen aaska nin lagu dilay rabshadaha Ciraaq maalin ka hor.
Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay weeraro kale duwan oo Ciraaq ka dhacay Khamiistii.
Ma jiraan cid sheegatay mas’uulliyada qaraxa maanta oo Jimca ah ka dhacay Baghdad.