Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhaawacmay weerar ka dhashay labo bam-gacmeed oo barqonimadii maanta lagu tuuray Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir oo ku taalla Degmada Xamarweyne ee Muqdisho. Dadka dhaawacmay waxa ku jiray askar ka tirsan dawladda KMG ah oo iyagu ku sugnaa afaafka hore ee xarunta.
Gudoomiye ku xigeenka Maamulka gobalka Banaadir ee Arimaha Siyaasada iyo Bulshada, Cabdisalaan Daahir Cabdulle ayaa VOA-da weerarkaas u xaqiijiyay, isagoo sheegay in 3 ruux oo midkoob booliis yahay ay ku dhaawameen, arintaasna baaris lagu wado.
Weerarka Maanta ayaa waxaa ka horeyay weerar kale oo labo cisho ka hor lala bartilmaameedsaday baabuur ay saarnaayeen ciidamo booliis ah, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.