Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qansax-Dheere iyo Ufurow oo laga Qabsaday al-Shabab


Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia ayaa maanta dagaal ku qabsaday Qansax-Dheere iyo Ufurow oo ka tirsan gobolka Bay.

Ciidamadan ayaa dagaal kula galay duleedka Qansax-Dheere kooxda al-Shabaab, hasse yeeshee cidna ma ogaan karto khasaaraha dagaalkaasi.

Qansax Dheere iyo Ufurow ayaa noqonaya degmooyinkii afraad ee gobolka Bay ee ciidamada huwantu ay ka qabsadaan kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia waxay shalay sidoo kale soo gaareen duleedka degmada Buur-hakaba.

XS
SM
MD
LG