Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qandala: Dooni Kalluumeysi oo la Afduubtay


Qandala: Dooni Kalluumeysi oo la Afduubtay
Qandala: Dooni Kalluumeysi oo la Afduubtay

Koox burcadbadeed Soomaali ah ayaa afduub u geystay doon kuwa kalluumeysiga ah, degmada Qandala ee gobolka Bari.

Koox burcadbadeed ayaa dooni kalluumeysi ka qafaashay xeebta degmada Qandala oo qiyaastii 72KM dhanka bari kaga toosan magaalada Boosaaso.

Doontan la afduubtay waxaa la socday ilaa 20 kalluumeysato isugu jirta Soomaali iyo Yemeniyiin.

Guddoomiyaha degmada Qandala, Jaamac Maxamed Yuusuf ayaa VOA u sheegay in burcadbadeeddu ay markii dambe meel xeeb ah ku daadisay shaqaalihii doontaasi la socday, iyagoona horey u kaxeystay wadihii doonta iyo farsamo yaqaanka doonta.

Burcadbadeedda ayaa doonyaha kalluumeysiga afduubta, si ay ugu burcadyestaan.

XS
SM
MD
LG