Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland iyo Galmdug oo Heshiis kala Saxiixday


Puntland iyo Galmdug oo Heshiis kala Saxiixday
Puntland iyo Galmdug oo Heshiis kala Saxiixday

Labada maamul waxay cambaareyn u jeediyeen xil kororsiga baarlamaanka federaalka.

Maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa kala saxiixday heshiis dhinacyo badan leh, ka dib markii ay mas'uuliyiin ka kala socota labada dhinac ay labo maalmood shirar ku yeesheen magaalada Garowe.

Waxyaabaha heshiiska ku jira ee labada dhinac ay ku heshiiyeen waxaa ka mid ah, in mowqif adag oo siman laga qaato xal u helidda xaaladda Soomaaliya, Iskaashiga Amniga, qabashada shir dib u heshiis Soomaalida loo qabto iyo sidoo kale isku xirka labada maamul.

Waxay labada dhinac sheegeen in xil ku darsashada baarlamaanka federaalka inaanay ahayn mid munaasib u ah ummadda Soomaaliyeed.

Dhinaca Puntland waxaa heshiiska u saxiiyay madaxweyne ku xigeenka Cabdisamad Cali Shire, halka dhinaca Galmudugna uu u saxiixay madaxweyne ku xigeenka Cabdisamad Nuur Guuleed.

XS
SM
MD
LG