Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Dagaal ka Dhacay Bandar-Bayla


Puntland: Dagaal ka Dhacay Bandar-Bayla
Puntland: Dagaal ka Dhacay Bandar-Bayla

Puntland waxay sheegtay in dagaalkaasi ay kaga dhimatay 2 askari, hase yeeshee burcadbadeedda ayaa dhimashada ku sheegtay 11 askari.

Warar faah faahsan ayaa ka soo baxaya dagaal shalay dhexmaray ciidamada Maamulka Puntland iyo koox burcadbadeed ah oo afduub ku haysata muwaadiniin u dhashay dalka Denmark.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka lagu magacaabo Hol-Caanood ee degmada Bandar Bayla ee gobolka Karkaar.

Dagaalkaasi ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo baabuur lagu gubay goobta dagaalka.

Taliyaha booliska Puntland Jeneral Cali Nuur Cumar oo ku sugan magaalada Garowe oo u warramay VOA-da ayaa ku eedeeyay burcadbadeeddu inay kaashanayaan rag ka tirsan al-Shabaab.

Hase yeeshee Axmed Maxamed Muumin oo sheegay inuu ka tirsan yahay burcadbadeedda ayaa beeniyay in al-Shabaab ay la jirto, deegaankoodana joogin. Wuxuuna sheegay inay khasaare u geysteen ciidanka Puntland oo ay ka dileen 11 askari.

Wuxuu ka digay in Puntland ay mar kale isugu soo daydo inay xoog soo adeegsato.

XS
SM
MD
LG