Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Puntland: Askar Ku Geeriyootay Qarax Miino


Wararka ka imaanaya Puntland ayaa sheegaya in laba ka tirsan ciidamada Punland ay dhinteen shan kalena ay dhaawcmeen kadib markii ay miino la qarxday, xili ay ku socdeen buuralayda Galgala oo fariisin u ah guutooyin ka tirsan ciidamada.

Sida ay VOA-da u xaqiijiyeen qaar ka mid ah ciidamada Daraawiishta Puntland ee al-Shabaab kula dagaalama deegaanka Galgala, askartan ayey miinadu ku qaraxday duhurnimadii maanta markii ay isku dayeen inay jidka ka saaraan.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan, mana jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxan.

XS
SM
MD
LG