Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Prof. Geeddi oo kulan la qaatay Daniel Arab Moi


Prof.Geeddi
Prof.Geeddi

Ra'iisul-wasaarihii hore ee Somalia, Prof Cali Maxamed Geeddi iyo siyaasiyiin kale ayaa kulan magaalada Nairobi kula yeeshay Moi

Ra'iisul-wasaarihii hore ee Somalia Prof Cali Maxamed Geeddi iyo siyaasiyiin u hogaaminayo ayaa kulan la qaatay Daniel Arab Moi magaalada Nairobi.

Prof. Geeddi ayaa VOA u sheegay in kullankaasi ahaa mid xurmeed oo ay ku sharfayeen Madaxweyne Moi, kaasoo bilaabay shirkii dib-u-heshiisiinta ee lagu soo dhisay dowlada KMG ah ee ka dhacay dalka Kenya.

Cali Maxamed Geeddi wuxuu xusay in kulankaasi kadib uu la xiriiray Gudoomiyaha barlamaanka Somalia lana socodsiiyey wixii ay isaga iyo siyaasiyiintaasi ka wada hadleen madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arab Moi.

Dhawaan Madaxweynihii hore ee Kenya Daneil Arab Moi ayaa ku dhawaaqay inuu heshiisiinayo kooxaha Somalia

Prof. Geeddi, wuxuu sheegay in la soo afjaray qilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo dowladda Somalia.

Wareysiga Prof. midigta sare ee boggan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG