Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sanad kadib Doorashadii Madaxweyne Sheekh Shariif.


Madaxweyne Sharif
Madaxweyne Sharif

Waa barnaamij kooban oo aan ku eegayno sanad kadib doorashadda Sh. Sharif loo doortay madaxweynaha Somalia

Sanad ayaa ka soo wareegatay markii Sheekh Sharif Sheekh Axmed loo doortay madaxweynaha dowladda KMG Somalia. Doorashadiisu waxay rajo badan galisay dad badan oo aaminsanaa inuu ka badalnaan doono madaxweynihii ka horeeyey C/laahi Yusuf. Sidoo kale waxay Somali badan u arkayeen in doorashada Sheekh Sharif ay soo afjari doonto qalalaasihii Somalia maadaama uu ahaa hogaamiyihii Islaamiyiinta.

Dagaalladii Muqdisho

Tan iyo markii Madaxweyne Shariif iyo dowladdiisu ay u soo guureen magaalada Muqdisho, waxaa lala horyimid dagaallo qaraar kuwaasoo curyaamiyay howlihii dowladiisa. Kooxaha hubeysan waxay Sh. Shariif iyo dowladiisaba u arkayeen mid aan ka duwanayn tii C/laahi Yuusuf.

Waxqabadka Sh. Shariif iyo Caqabaddaha ka horyimid

Sh. Shariif, wuxuu qudbad uu ka jeediyay sanadguuradda koowaad ee dowladdiisa uu qiray inaysan dowladdiisu wax badan qaban. Prof Cali Khaliif Galeydh oo aha Ra’iisul-wasaarihii hore ee Somalia ayaa sheegay in marka la eego dagaalladii lagala horyimid Sh. Shariif ayba mucjiso tahay in dowladda Shariif ay xilligan soo gaadho. Prof Galeydh wuxuu sidoo kale xusay in dowladda Shariif ay gaftay fursado dhorw ah oo soo maray oo ay ka mid tahay dib-u-heshiisiinta. Dhinaca kale khubarro caalami ah ayaa iyaguna ka hadlay waxqabadka Madaxweyne Shariif ee muddada sanadka ah. Prof Ken Menkhaus oo culuunta siyaasada ka dhiga Davidson College iyo David Shinn oo ah safiirkii hore ee Mareykanka Addis Ababa ayaa labaduna qiray in 9-bilood ee ugu horeeyey dowladda Shariif aysan waxqabad muujin, balse dhowrkii bilood ee u danbeeyay waxay sheegeen inuu jiro horumar yar oo soo muuqanaya.

Khilaaf la’aanta Madaxda sar-sare Dowladda KMG

Dowladda Sh. Shariif waxqabad la’aanta ka sokow, waxay ka bad-baaday mid ka midh waxyaabihii galaaftay dowladihii ka horeeyey oo ahaa khilaaf soo dhex-gala madaxda sare dhexdooda. Prof. Xuseen Warsame oo macalin ka ah jaamacad ku taalla Calgary, Canada ayaa madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul-wasaare Sharmaarke ku tilmaamay laba nin oo dhalinyaro ah oo ku guuleystay inay iska ilaaliyaan khilaaf dhexdooda soo gala. Prof. Warsame wuxuu ku dooday in labada mas'uulba ay casharo ka barteen khilaafyadii hore u rigaadiyay dowladihii ka horeeyey.

Xiriirka Ethiopia

Muddada sanadka ah ee madaxweyne Shariif uu xilka hayo ayaa waxaa jiray xiriir dadka qaar ku macneeyeen inuu ahaa mid qabow oo dowladda kala dhaxeeya Ethiopia. Prof. Galeydh ra’iisul-wasaarihii hore ee Somalia ayaa is-barbar dhig ku sameeyey xiriirradda C/laahi Yusuf iyo Sh. Shariif ay la leeyihiin Ethiopia. Prof. Galeydh wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweyne Shariif uu xiriir dhow la leeyahay Ethopia, balse xiriirkaasi uu ka yar yahay xiriirkii dhawaa ee madaxweyne Yusuf uu la lahaa Addis Ababa.

Sanadka cusub ee 2010

Madaxweyne Sh. Shariif iyo dowladdiisaba ayaa sanadkan cusub uu ugu soo galay iyagoo wali ku sugan meeshii ay yimaadeen sanad ka hor, laakiin inkasta oo arrintaasi ay jirto hadana Sheekh Shariif wuxuu sanadkan cusub sheegay oo saadaaliyay inuu noqon doono mid uu guullo waaweyn ka soo hooyo, gaar ahaan dhinaca dagaallada uu kula jiro kooxaha hubeysan.

Barnaamij gaar ah oo ka hadlaya sanad-guurada koowaad ee madaxweyne Sh. Shariif qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG