Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 7, 2015

1
Dadweyne maraya buurta U Bein ee dul marta harada Tuangthaman Lake ee magaalada Mandalay ee dalka Myanmar.

2
Sawirkan Apollo 7 waxa uu ka mid yahay 8,400 oo sawirro ah oo howl-galka dayaxa ee Mareykanka ee NASA uu sii daayey. Howl-galka Apollo 7 waxa uu kii ugu horreeyey ee Mareykanka uu u diro hawada sare, waxaana uu billowday 11-kii October 1968-kii.

3
Dadka dhaqa daaqadaha oo adeegsanaya fiilooyin lagu xiray si ay u dhaqaan daaqadaha saraha dhaadheer ee magaalada Beijing ee dalka China.

4
Dhallinyaro u dhashay Malaysia oo isku qaboojinaya biyaha webiga magaalada Hulu Langet.