Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 29, 2015
1
Falastiiniyiin isku dayaya inay duley ka sammeeyaan darbiga ay dhistay Israel ee kala qeybiya daanta galbeed iyo magaalada Abu Dis ee Jerusalem ka tirsan, halka kuwa kalena ay darbiga ka boodayaan.
2
Carruur Pakistani ah oo iska dhex daawanaya muraayad, ayaga oo ka tiiraanyeysan burburkii uu dhulgariirka u geystay guriggooda magaalada Peshawar.
3
Dad booqdayaal ah, oo mar qura ay kusoo rogmadeen mowjado hirar ah oo derbis oo jabsaday, webiga Qiantang ee magaalada Hangzhou ee gobolka Zhejiang ee dalka China.
4
Ey yar, oo sugaya inuu iska iibiyo ninkii lahaa, kuna sugan bannaanka xarunta tareenada ee magaalada Shanghai ee China.