Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Oct. 13, 2015
1
Nin muhaajir ah oo xambaarsan canugiisa, kana gudbaya magaalada Sid ee xadka Serbia, una gudbaya dalka Croatia.
2
Muhaajiriin la isugu soo ururiyey banaanka meel dadka lagu xabiso, kadib markii ay ciidamada Libya kasoo xireen magaalada Tripoli.
3
Pakistaniyiin ka shaqeynaya buundo, xilli qoraxda ay sii dhaceyso magaalada Islamabad.
4
Brad Porter (Sare), oo cabiraya bocor weyn oo la keenay tartanka adduunka ee culeeska bocorka, oo ka dhacaya magaalada Half Moon Bay ee gobolka California ee dalka Mareykanka.