Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo ka Hadlay Rabshadaha Masar


Obama oo ka Hadlay Rabshadaha Masar
Obama oo ka Hadlay Rabshadaha Masar

Madaxweyne Obama ayaa sheegay in shacabka dalka Masar ay istaahilaan inay helaan nolol wanaagsan iyo mustaqbal.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa ka hadlay rabshadaha ka jira dalka Masar, wuxuuna sheegay in dadka dalka Masar ay xaq u leeyihiin inay muujiyaan cabashadooda.

Madaxweyne Obama waxa uu sheegay inuu horey u sheegay in loo baahan yahay dowladda Masar inay ku tillaabsato isbedel, isagoo sheegay in shacabka Masar ay u qalmaan inay helaan nolol iyo mustaqbal wanaagsan.

Madaxweynuhu wuxuu ku booriyay dowladda Masar inaysan gacan ka hadal kaga jawaabin ayna u oggolaato dadka inay dhigaan mudaaharaad nabadgelyo leh.

Wuxuu sheegay in aan loo baahnayn xannibaadda ay dowladdu saartay adeegyada internet-ka iyo warbaahinta bulshada ee ay dadku ku xiriiraan.

Mr. Obama ayaa warfidiyeennada kula hadlay Aqalka Cad ee magaalada Washington, wuxuuna sheegay inuu si toos ah ula hadlay madaxweynaha dalka Masar Maxamed Xusni Mubaarak, kuna wargeliyay in la joogo wakhtigii uu ballan qaad la taaban karo u sameyn shacabka Masar.

Hadaba saamayn intee leeg ayaa bannaanbaxyada Masar ay ku yeelaan karaan Bariga dhexe, waxa arrintaasi ay VOA ka waraystay Cabdulaahi Aadan Congo oo ah khabiir ku xeel-dheer arrimaha bariga dhexe.

Qaybta hoose ee boggan ka dhegayso waraysiga khabiirka.

XS
SM
MD
LG