Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama oo ka Hadlay Dhimista Ciidanka Afghanistan Jooga


Obama oo ka Hadlay Dhimista Ciidanka Afghanistan Jooga
Obama oo ka Hadlay Dhimista Ciidanka Afghanistan Jooga

Khudbad uu Arbacadii Aqalka Cad ka jeediyey ayaa Obama sheegay in 33 kun oo askari xagaaga dambe ay Afghanistan kasoo bixi doonaan

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa jeediyey khudbad socotay 15 daqiiqao oo uu kusoo bandhigayey istiraatijiyadiisa Miliatari ee dalka Afghaanistaan oo ay haatan Maraykanka ka joogaan ciidan ka badan 100 kun oo askari.

Madaxwyene Obama waxa uu ku dhawaaqay in ciidankii xoojinta ahaa ee uu waddankaasi u diray sannadkii 2009 oo dhammaa 33 kun ay dhammantood kasoo bixi doonaan xagaaga sannadka dambe, iyadoo hawlgalka waddankaasina lasoo afjari doono sannadka 2014-ka.

Warbixino iyo Wareysiyo arrintaas ku saabsan qeybta hoose ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG