Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 10, 2015
5
Shaqaale gargaar oo raadinaya dhibbenayaal, kadib markii biyo xireen uu burburay, dhiiqo guurna uu ka dhacay magaalada Mariana ee dalka Brazil.
6
Nin u shaqeeya dowladda hoose, oo qeylinaya xilli daadad ay kusoo rogmadeen magaalada Ashkelon ee Israel.
7
Ilme Daanyeer oo sida dadka oo kale loo xiray daybar loona dhiibay masaasad caano, gobolka Riau ee dalka Indonesia.
8
Farshaxmiistaha Ruushka ah ee Pyotr Pavlensky oo sawir iska qaaday kadib markii uu dab qabadsiiyey albaabka xarunta sirdoonka Russia ee FSB, oo bedeshay magacii KGB.