Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 10, 2015
1
Wiil yar oo Falastiini ah oo kalafooto sameynaya, meel u dhow xeebta magaalada Gaza.
2
Gabar taagan albaabka gurigooda, ayada oo daawaneysa carruur kale oo la siinayo talaalka cudurka dabeysha, magaalada Sanca ee dalka Yemen.
3
Nin ka dhacay faraskii uu watay, isaga oo cayaar faraseed uga qeyb-galaya magaalada San Antonio de Areco ee dalka Argentina.
4
Muhaajir daal la dhacay, kadib markii uu doon ku yimid jasiiradda Giriigga ee Lesbos.