Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 9, 2015
1
Dad ku raaxeysanaya qorxada, dooxada Lake Starnberger See oo u dhow magaalada Munich ee dalka Jarmalka.
2
Qiic laga dul arko saraha dhaadheer ee magaalada San Francisco, xilli dab uu ka kacay dhisme.
3
Doon dhex mareysa biyo dhinacyada ay ka xigaan caleemaha quruxda badan ee dayr dhammaadka, magaalada Hamburg ee waqooyiga Jarmalka.
4
Madison Chock iyo Evan Bates oo Mareykan ah oo cayaar kobaha oo cajiib ah kusoo bandhigay tartan ka dhacay magaalada Beijing.