Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 9, 2015
5
Ciidamada cirka ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta oo bandhig ka dhacay magaalada Dubai, ku muujinaya calanka dalkooda, oo ay ku sameeyeen qiica diyaaradaha dagaalka.
7
Tennis-yahanka British-ka ah ee Andy Murray oo yimid magaalada Paris, halkaasi oo uu kula cayaarayo David Ferrer oo reer Spain ah, cayaar ka tirsan tartanka Paris Masters.
8
Orodyahanno budo midabo kala duwan leh isku shubay, ayaga oo ka qeyb galaya tartanka orod midabka ee magaalada Sevilla ee dalka Spain.
9
Taageerayaasha hoggaamiyaha xisbiga NLD ee dalka Myanmar Aung San Suu Kyi oo dabbaal degaya ayaga oo shaashadda kala socda natiijada doorashada dalkaas.