Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 25, 2015

1
Saddex ka mid ah diyaaradaha WB-57s ee hay'adda NISA ay ku sameyso cilmi-baarista oo dul haadaya magaalada Houston ee gobolka Texas ee Mareykanka.

2
Xayawaanka loo yaqaan Panda oo dul fadhiya geed, xilli barafkii ugu horeeyey uu ka da'ay magaalada Jinan ee gobolka Shandong ee dalka China.

3
Gantaalka H-IIA oo sida satalayaat isgaarsiineed oo ka baxay jasiiradda Tanegashima ee dalka Japan.

4
Taalada Eiffel Tower ee magaalada Paris oo calanka Faransiiska lagu sawirray.