Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 24, 2015

1
Kallumeyste shabaqiisa tuuranaya si uu mallaay ugu soo dabto, xeebta Batticaloa ee Sri Lanka.

2
Tareen ku safraya buuro baraf uu daboolay kadib baraf xooggan oo ka da'y duleedka magaalada Beijing ee caasimadda China.

3
Celine Dion oo qaadeysa heesta "Hymne a l'amour", ayada oo ku xuseysa dhibanayaasha weeraradii Paris, xilli sawirka taallada Paris uu gadaasheeda ka muuqdo.

4
Qof baaskiilkiisa ku wata buurta Basque ee waqooyiga dalka Spain, xilli baraf uu daboolay.