Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 19, 2015
1
Booliiska Faransiiska oo weerar ku qaaday guri ku yaalla magaalada Saint-Denis ee duleedka magaalada Paris, oo ay ku sugnaayeen dad lagu tuhmayo weeraradii Paris.
2
Booliiska Faransiiska oo ku socda guri ku yaalla magaalada Saint-Denis ee duleedka magaalada Paris, oo ay ku sugnaayeen dad lagu tuhmayo weeraradii Paris.
3
Baabuur socota waddada I-90 ee magaalada Seattle ee gobolka Washington ee dalka Mareykanka.
4
Dad isugu soo ururay meel deegaan ah, oo daadad ay kusoo rugmadeen, magaalada Chennei ee dalka India.