Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 19, 2015
5
Baabuur meel la dhigay oo dhagax guri uu kusoo dumay kadib dabeylo xoogan, magaalada Leigh ee galbeedka England.
6
Shaqaale gargaar oo kasoo degaya diyaarad qumaati u kacda si uu bad baadiyo kalluumeysato badda ku xanniban kadib cimilada oo xumaatay, gobolka Shandong ee China.
7
Koox baarayaal ah oo caddeymo ka raadinaya banaanka guri ku yaalla magaalada Saint-Denis ee duleedka magaalada Paris, oo ay ku sugnaayeen dad lagu tuhmayo weeraradii Paris.
8
Jamal yaalla biyaha Raouche ee magaalada Beirut ee dalka Lebanon oo calanka Faransiiska lagu iftiimiyey, si loogu xusuusto dadkii lagu dilay weeraradii Paris.