Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 17, 2016

1
Muhaajiriin iyo qaxooti socda, kadib markii ay kasoo gudbeen xuduudda Greek iyo Macedonia, meel u dhow xaafadda Gevgelija.

2
Sawir uu qaaday satellite oo muujinaya heer kulka dusha sare ee badweynta Pacific Ocean ee bishii October. Midibka guduudan waxa uu muujinaya heer kul ka sareeya heerka caadiga, waana astaan muujineysa El Niño.

3
Haween socda waddo baraf qariyey, magaalada Almaty ee dalka Kazakhstan.

4
Ardayda dugsiyada sare oo dibadbax ka dhigaya magaalada Le Mans ee wqooyiga bari ee Faransiiska, si u xusuustaan dadkii lagu dilay weeraradii Paris.