Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 17, 2016
5
Ciidamada Belgium oo u dhacaya guri lagu tuhmayo islaamiyiin mayal adag oo ku yeella magaalada ku taalla duleedka Brussels ee Molenbeek.
6
Nin la cararaya labadiisa ilmo, kadib markii dadku ay cabsi darteed u kala carareen markii loo sheegay war been ah oo ku saabsanin qof hubeysan uu soo dhex galay, magaalada Paris.
7
Haweeney hortaagan booliiska, xilli ay isku dhaceen ciidamada booliiska iyo shaqaale banaanbaxaya, ayadoo hoggaamiyayaasha caalamka ay magaalada Manila u imanayaan shirka dhaqaalaha ee Asia-Pacific.
8
Dad murugsan xilli daqiiqad aamusnaan ah lagu xusayo dadkii lagu dilay weeraradii Paris. Halkan waa safaaradda Faransiiska ee London.