Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 13, 2015
1
Dadka Hinduga ah oo maryo u hoorsaday in loogu rido bariis, tani oo qeyb ka ah dabaal degga ciidda Annakut ee dadkaas, magaalada Kolkata ee dalka Inida.
2
Aabiteey hawada loo diray, intii ay socotay ciidda haatinta aabiteyda ee sanadlaha ah ee magaalada Phnom Penh ee dalka Cambodia.
3
Dad ubaxyo dhigaya darbiga lagu qoray magacyada dadkii ku geeriyooday diyaaraddii American Airlines Flight 587, intii ay socotay xuska sanad guuradii 14-aad ee kasoo wareegtay dhicitaanka diyaaraddaas oo ka kacday garoonka JFK. Waxaa ku dhintay 260 qof.
4
Daanyeer ku jira sanduuq dib loogu celinayo dalka Indonesia, kadib markii dad si qarsoodi ah usoo waday lagu qabtay dalka Thailand.