Maalin kasta waxaa caalamka ka dhaca dhacdooyin kala duwan oo xiiso badan, oo qaarkood markaad aragto sawirrada laga soo qaaday aad la cajabeyso. Haddaba idaacadda VOA-da ayaa idiin soo ururisay qaar ka mid ah sawirrada dhacdooyinka caalamka ee xiisaha badan ee hoos ka daawo.
Sawirrada Maanta: Nov. 13, 2015
7
Booliiska oo sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday dibad-baxayaal, magaalada Athens ee dalka Greece.
9
Shimbiro dul haadaya geedo, xilli qoraxda ay sii dhaceyso meel u dhow magaalada Straussfurt ee bartamaha dalka Jarmalka.
12
Xanjooyinkii ay dadka ruugayeen in ka badan 20 sano oo darbo lagu tufayey, ayaa iminka laga nadiifinayaa magaalada Seattle ee dalka Mareykanka. Goobtan waxa ay ahayd meel loo soo dalxiis tago.